Madaxa QM ugu qaabilsan Hawlaha Samafalka, Stephen O’Brien oo xalay ka hadlay Kulan ay Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ku yeesheen Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York, ayaa sheegay inay Caalamka soo wajahday Macluushii ugu ballarnayd tan iyo markii la asaasay QM sannadkii 1945-kii.
Waxa uu tilmaamay inay Macluusha khatar ku hayso in ka badan 20 million oo qof oo ku nool dalalka Somalia, Yemen, South Sudan iyo W/bari Nigeria.
“Haddii aan la helin Taageero Caalami ah inay dadku si fudud gaajo ugu geeriyoon doonaan, halka kuwo kale oo badan la dhibaatoon doonaan, una geeriyoon doonaan Cudduro” ayuu yiri Stephen O’Brien.
Waxa uu ku booriyey Beesha Caalamka in maalgelin dheeraad oo degdeg ah loo helo si wax looga qabto Macluusha ka jirta Somalia, Yemen, South Sudan iyo qeyno ka mid ah Nigeria.
Madaxa QM ugu qaabilsan Hawlaha Samafalka, Stephen O’Brien waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay 4.4 Billion oo Dollar bisha July ee soo socota, wuxuuna ka digay haddii Kharajkaasi la waayey inay Carruurta soo wajahayso nafaqo-darro ay la awoodi karin inay Dugsiyadda aadaan.
Mar uu ka hadlayey Macluusha iyo Abaaraha Somalia, waxa uu tilmaamay in 6.2 million oo qof oo Somlia u baahan yihiin Taageero Aadminimo iyo Badbaadin, oo ay ku jiraan 2.9 million o oqof oo khatar ugu jira macluul, loona baahan yahay in si degdeg ah loo badbaadiyo.
Waxa kale oo uu ka digay in hal million oo carruur oo da’dooda ka hooseyso 5 jir khatar ugu jiraan Macluul sannadkan.
Stephen O’Brien oo dhawaan booqasho ku yimid Somalia ayaa sheegay inay haweenka iyo carruurka muddo isbuucyo ah u lugeeyaan si ay u helaan cunto iyo biyo, wuxuuna sheegay inay xoolihii ay dhaqan jireen ka wada le’deen.
Waxa uu ka digay inay Somalia ka dhacdo Abaar la mid ah tii dhacday sannadkii 2011-kii, oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 290,000 oo qof oo Somali ah.
©Radio Dalsan