Donald Trump oo casuumaad u fidiyey Hoggaamiyaha Reer Falastiin.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim.

Afhayeenka Maamulka Falastiin, Nabiil Abu Rudeynah ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA  inuu Madaxweyne Cabaas sida ugu dhaqsaha badan u booqan ddoono Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Labada Hoggaamiye ayaa la filayaa inay isla eegaan qaabka loo soo noolewyn karo Wada-xaajoodka Falastiin iyo Yuhuudda.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay inuu Donald Trump ku casuumay Maxamuud Cabaas Kulan waqtiga ugu dhow ku yeelan doonaan Washington.

Madaxweyne Trump waxa uu bishii hore la kulmay Ra’isul-wasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Netayahu, wuxuuna tilmaamay inuusan xal u arkin Labo Dowladood oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Yuhuudda iyo inuu Safaaradda Maraykanka u wareejin doono magaalladda Quddusta La-haysto.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media