Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa Jimcihii shalay, markale dib u dhigay go’aan ku saabsan aqbalida matalaadda Urururada Caalamiga ah dalalka Afgaanistaan iyo Myanmar.
Sidoo kale Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu dib u dhigay go’aan ku saabsan codsiyada Liibiya ee ka qeyb galka Urururada Caalamiga ah
Golaha oo ka kooban 193 xubnood ayaa ansixiyay go’aanka guddiga aqoonsiga ee Qaramada Midoobay, kaas oo dib u dhigaya codsiyada la xariira matalaadda Liibiya, Afgaanistaan iyo Myanmar.
Dib u dhigista matalaada dalalka Myanmar, Afgaanistaan iyo Liibiya, waxay ka dhigan tahay in ergada hadda jirta ay wakil ugu sii ahaan doonaan Qaramada Midoobay, inta laga gaaraya kalfadhiga 77-aad” ee Golaha Guud, kaas oo dhicidoona bisha Sebtembar ee sanadka soo socda.
Golaha militariga Myanmar iyo Daalibaan ayaa sanadkii hore codsaday in dalalkooda la siiyo matalaad, kadib markii ay talada kala waregeen dowladahii hore uga talinaayay Afghanistan iyo Myanmar.