Wafdi ka socda Xukuumadda oo Maanta gaaray Degmada Ceelwaaq + ujeedka

Wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliy ayaa Maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, iyagoona halkaas ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiinta Maamulka degmada iyo qeybaha bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoggaaminayay wafdiga oo ay qayb ka ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo agaasime ku-xigeenka hay’adda maareynta musiibooyinka Dowladda Federaalka.

Ujeedka safarka mas’uuliyiinta gaaray degmada Ceelwaaq ayaa la xiriirta xalinta shaqaaqo dhowaan ka dhacday degmada Ceelwaaq iyo in ay gurmad gaarsiiyaan dadka ay abaartu saameysay ee ku nool Ceelwaaq.

Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa la kulmi doona Maamulka degmada, si loo xaliyo shaqaaqadii ka dhacday degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, iyaga oo sidoo kalena dadka ay abaarta saameeysay gaarsiinaya gurmad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor