Xafiiska QM ee Hawlgalka Somalia “The UN mission in Somalia” ayaa si kulul u cambaareeyey Is-qarxintii Mataanaha ee maanta ka dhacay Waqooyiga magaalladda Gaalkacayo ee hoos-taga Maamulka Puntland.
Qoraal ay UNSOM soo dhigeen Bartooda Twitter-ka ayey ku sheegeen in aysan Weeraradda noocaasi ah joojin doonin dadaalka Doorashooyinka Somalia ka dhici doona dabayaaqadda sannadkan 2016-ka.
Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxyaddii maanta ka dhacay Waqooyiga Gaalkacayo, oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 13-qof, kuna dhaawacmeen Tobaneeyo kale.
Qaraxyadaasi ayaa ku soo beegmay maalmo kadib, markii ay Ciiddan ka tirsan Komaandooska Dowladda Federalka ee Danab gacanta ku soo dhigeen Sarkaal Ajnabi oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab, kuna sugnaa Gaalkacyo.
Komaandooska Danab oo ay MIlliteriga Maraykanka tababareen waxay gacanta ku soo dhigeen Cabdullahi Al-sudani oo u dhashay dalka Sudan iyo 4 dagaalyahan oo lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab.
©Radio Dalsan