Ugu yaaraan 50 qof ayaa ku geriyootay Is-qarxin xalay lala beegsaday dad ka qeyb gaalayey Xaflad Aroos oo ka dhacday magaalladda GAZIANTEP oo 25 KM dhanka Waqooyi kaga toosan Xuduudka Turkiga kala waadaago dalka Syria..
Xildhibaan Maxamuud Togrul oo laga soo doorto magaallada uu qaruxu ka dhacay waxa uu ku eedeeyey Kooxda Daacish inay ka dambeeyeen Isqarxintaasi.
Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ayaa cambaareeyey Falkaasi oo uu ku eedeeyey Kooxda Daacish.
Dhinaca kale, Xisbiga Dimuqraadiga Dadka Kurdiska ee (HDP) ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday mid ka mid ah Xubnahooda oo dhiganayey Xaflad Aroos, wuxuuna xusay inay haween iyo carruur u badnaayeen dadka ku geeriyooiday Isqarxintaasi.
Ku-dhawaad 90 kale ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo la sheegay inuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Turkiga ka dhacay sannadkan.
Bishii June ee la soo dhaafay, 44 qof ayaa ku geeriyootay Isqarxin ka dhacday Garoonka Diyaaaradaha ee ugu weyn ee ku yaalla magaalladda Istanbuul.
© Radio Dalsan