Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM saakay ay laba ruux ku jiireen Xaafad ka tirsan degmadaasi Balcad.
Kolonyada Ciidamada AMISOM ayaa xilli ay marayeen Xaafada Xaawa Taako ee degmada Balcad waxa ay jiireen laba Ruux oo watay Gaari Dameer,kuwaas oo ku wajahnaa degmada Balcad.
Dad ku sugan Xaafada Xaawa Taako ee degmada Balcad oo la hadlay Dalsan ayaa Magay sheegeen in labada ruux iyo Gaariyaasha dameerka ahaa oo ay wateen ay goobta ku geeriyoodeen.
Falkana ayaa ku soo aadaya xilli todobaadkii la soo dhaafay mid ka mid ah Gawaarida AMISOM uu dilay Gaari Dameer wadada marayay,kadib markii uu isaga cararay Ruuxii watay markii ay ku soo dhawaadeen Gawaarida AMISOM.
Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolkaas weli kama hadlin falka Ciidamada AMISOM gawaaridooda ku jiireen labada ruux.