Dhallinyaro ku eedeysnaa Burcad-baddeed oo laga sii daayey Xabsiyadda Jesiiradda Seychelles

5 dhallinyaro Somali ayaa laga sii daayey Xabsi ku yaalla Jesiiradaasi, kadib, markii lagu waayey Dembiyadii loo haystay.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa lagu sheegay in Dhallinyaradaasi shalay  dib loogu celiyey Somalia, iyadoo loo soo kireeyey Diyaarad Khas ah oo ay leedahay Shirkadda Horumarinta Jesiiradda Seychelles

Saraakiil ka tirsan Xafiiska QM ugu qaabilsan Ka-hortagga Daroogadda iyo Dembiyadda (The United Nations Office of Drugs and Crime (UNODC) ayaa kor-joogto ka ah Ambabixinta Dhallinyaradaasi.

Wakaalladda Wararka Sishilis ee SNA ayaa qortay in 5-ta Soomnaalida ku guuleysteen Rafcan ay ka qaateen Kiiska lagu soo oogay bishii December ee sanndkii hore, waxayna Maxkamadda Rafcaanka ee Seychelles amartay in la sii daayo.

Dhallinya radaasi ayaa loo haystay inay aduubteen Badmaaxiin Hindi ah iyo inay Doonidooda u adeegsadeen inay ku weeraraan Maraakiib Xamuul muddadii u dhexeysay bishii January 1-dii ilaa 18-dii ee sannadkii 2014-kii.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media