• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, July 13, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

QM oo baaraysa Gantaal ku dhacay Xabsi ay Soomaali ku jirtay

Bilan Media by Bilan Media
November 7, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in gantaal dhimasho badan sababay oo horraantii bishii Luuliyo ee sanadkan ku habsaday xero ku taal magaalada Tripoli ee dalka Liibiya oo ay ku jireen dad muhaajiriin ah ay soo ridday diyaarad dagaal oo laga leeyahay waddan shisheeye.

Baaritaan aan wali la shaacin oo ay Qaramada Midoobey sameysay oo nuqul ka mid ah ay heshay BBC-da laanteeda Af-Carabiga ayaa lagu sheegay in waddanka Imaaraadka Carabta uu haatan ku socdo baaritaan la xiriira weerarkaasi.

Dowladda Imaaraadka ayaan wali ka hadlin arrintaasi.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay 53 qof oo muhaajiriin ah, halka ay ku dhaawacmeen 130 kale.

Xerada uu weerarka ka dhacay waxaa ku jiray dad Soomaali ah oo ka mid ahaa muhaajiriintii halkaasi lagu hayay.

Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa weerarkaasi ku tilmaantay in uu noqon karo dambi dagaal.

Dadka ku dhintay duqeyntaasi loo geystay xerada Tajoura oo ku taal bariga magaalada Tripoli ayaa la rumeysan yahay in intooda badan ay ahayeen dad Afrikaan ah oo isku dayayay in ay u tallaabaan dhanka qaaradda Yurub.

Weerarkaasi ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa inta la ogyahay tan iyo markii ciidamada Janaraal Xaftar ay billaabeen guluf ka dhan ah dowladda ay Qaramada Midoobey taageerto ee midnimada qaran. Ciidamada Janaraal Xaftar ayaa bishii Abriil ee sanadkan weerar ku soo qaaday dowladda xarunteedu tahay magaalada caasimadda ah ee Tripoli.

“Si kastaa oo uu ku dhacayba, weerarkan ayaa u dhigma dambi dagaal,” ayuu xilligaasi yiri Michelle Bachelet oo ah madaxa guddiga xaquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey.

Hawlgalka Qaramada Midoobey ee dalkaasi Liibiya ayaa BBC-da u sheegay in dhinacyada isku haya colaadda dalkaasi ay la wadaageen halka ay ku yaalaann xeryaha ay deggan yihiin dadka muhaajiriinta ahi si aan loogu khaldanim.

Dowladda dalkaasi Liibiya ee uu caalamka aqoonsan yahay ayaa sheegay in weerarkaasi ay geysatay diyaarad dagaal oo laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Milatariga Qaranka Liibiya ee uu hoggaamiyo janaraal Khalifa Xaftar ayaa horraan sheegay in ay duqeeyeen bartilmaamed muhiim ah balse markii dambe waxa ay beeniyeen in ay iyaga ka dambeeyeen weerarkaasi ay muhaajiriintu ku dhamaadeen.

Guddi uu soo magacaabay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo bilo ah isku dayayay in uu ogaado ciddii lahayd mas’uuliyadda weerarkaasi.

BBC-da laanteeda Af-Carabiga ayaa aragtay nuqul ka mid ah warbixin sir ah oo maanta oo arbaca ah loo gudbin doono golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Warbixintaasi ayaa lagu sheegay in la hayo caddeymo laga helay ilo xog ogaal ah oo sheegay in diyaarado dagaal oo tiradooda aan la ogayn oo ah nooca “Mirage 2000-9” ay ka hawlgalayeen laba saldhig oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalkaasi Liibiya.

Waddamada Imaaraadka iyo Masar oo labaduba taageero siinayay ciidamada Janaraal Xaftar ayaa waxa ay leeyihiin tiro badan oo ah diyaaradaha noocaasi ahi.

Warbixintaasi Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in diyaaradahaasi ay isticmaalayeen saldhigyada Jufra iyo al-Khadim.

Sanadkii 2017, ayaa Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in dowladda Imaaraadku ay dhistay saldhigga ciidamada cirka ee al-Khadim isla markaana ay taageero dhanka cirka ah siiso ciidamada Janaraal Xaftar.

Warbixintaasi ayaa lagu sheegay in “ay aad ugu dhowdahay” in weerarkaasi uu ahaa gantaal ay soo ridday diyaarad ay leedahay dowlad xubin ka ah Qaramada Midoobey oo si toos ah gacan u siinaysay xoogagga Janaraal Xaftar.”

Warbixintaasi si toos ah uma aysan magacaabin waddankaasi maadaama baa la yiri wali la uruurinayo caddeymaha ku saabsan arrintaasi balse BBC-da ayaa ogaatay in dalka Imaaraadka uu yahay dalka baaritaanka uu ku socdo.

Dowladda Imaaraadka iyo ciidamada Janaraal Xaftar ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintan.

“Haddii ay jirto caddeyn dhab ah oo ah in waddan kale uu gudaha Liibiya faragelin milatari oo toos ah ka sameeyay, taa marnaba lama aqbali karo, waxa ayna u baahan tahay in aad loo baaro,” ayuu yiri safiirkii hore ee Mareykanka u fadhin jiray dalka Liibiya, Peter Millet.

Dalkaasi Liibiya ayaa tan iyo sanadkii 2011 waxaa saarnayd cunaqabatayn dhanka hubka ah. Bishii Ogosto 2019, ayaa dowladda Imaaraadka Carabta waxa ay saxiixday heshiis ahaa in ay u hoggaansamayso cunaqabatayntaasi.

Waddamada kale ee arrintaasi saxiixay waxaa ka mid ah waddamada Britain, Mareykanka, Faransiiska iyo Talyaaniga.

Xigasho BBC-Somali

Previous Post

Sawirro:- Wasiirka Maaliyadda oo kormeeray Dhismayaal muhiim ah

Next Post

Guddiga Doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Next Post

Guddiga Doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka...

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Najiib, ayaa sheegay in shirweynaha la filayo inuu ka qabsoomo...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
  • Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
  • Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00