Guddiga Doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la magacaabay

Kadib markii kulankii baarlamaanka ee maanta Kalsoonidiii laga noqday guddoomiyihii baarlamaanka maamulka Puntland ayaa guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee baarlamaanku waxa uu magacaabay guddi ka shaqeeya doorashada guddoomiyaha baarlamaanka.

Guddigaan oo ka kooban 7-xubnood ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Puntland oo maanta shir guddoominayay kulan xildhibaanada oo ay soo xaadireen 53-xildhibaan iyada oo 49 ka mid ah ay kalsoonida kala noqdeen Guddoomiye Dhoobo Dareed halka 4 ay ka aamuseen.

Dhinaca kalana guddiga ayaa lagu wargeliyay in ay ka shaqeeyaan sidii ay u dhici lahayd doorashada guddoomiyaha golaha wakiilada oo la qorsheeyay 14-ka bishaan kuna beegan Khamista soo socota.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media