Sida maanta lagu soo daabacay Wrageyska Daily Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxaa Saldhigga Boliska ee Muthaiga lagu sii hayn doonaan 5 qof oo ka mid ah Qaxootiga ku jira Xeradda Dhadhaab, kuwaasi oo la sheegay in la qabtay, xilli ay ku jireen socdaal ay kaga soo gudbi lahaayeen Xuduudka, si ay ugu biiraan Xarakadda Alshabaab.
Boliska waxay magacyadda Raggaas la qabtay ku kala sheegeen: Abukar Ali, Hashi Mohamed, Dahir Farah, Osman Abukar iyo Habrimana Desire, waxaana la sheegay inay Xerada Dhadhaab ka soo huleeleen iyadoo aysan ka war qabin Maamulka Xeradda.
Sidoo kale, Raggaasi waxaa lala xiray Labo Kenyan ah oo lagu kala magacaabo Abdikarim Nuur iyo Samwel Kamau, kuwaasi oo sheegay inay shqaale u yihiin Qandaraasle ka hawlgala Xerada Dhadhaab.
Cyrus Ikade oo ah Sarkaal ka socday Boliska Kenya ee La-dagaalanka Argagixisadda ayaa sheegay inay raggaasi maalintii Axadda ee la soo dhaafay lagu xiray lagu xiray Xeradda Dhadhaab, isla markaana lagu eedeynayo inay Isgaarsiinta kula xiriireen xubno la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuuna intaasi ku daray in dhowr Mobayl lagu qabtay Toddobada nin oo uu xusay in lagu wareejiyey Taliska Boliska la dagaalama Argagixisadda, si baaaritaano dheeraad ah loogu sameeyo
©Radio Dalsan