Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Socdaalkii ugu horreeyey Taariikh ahaan ku tegay Masar.

Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxaa saakayto ka degay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maamulka Somalia, Sacad Cali Shire.

Wafdiga Wasiirka ayaa la socday Diyaarad ay leedahay Shirkadda Ethiopia Airlines oo ka soo ambabaxday magaalladda Addis Abeba.

Wafdiga waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar, Waana Booqashadii ugu horreysay Taariikh ahaan ee Wasiir ka socda Maamulka Somaliland ku tago dalka Masar.

Warbaahinta Maxaliga ee ka soo baxa Qaahira ayaa sheegay inuu Wasiir Sacad dhowr maalmood joogi doono Qaahira, isagoo la kulmi doona Madax ka tirsan Dowladda Masar iyo Ururka Jaamacadda Carabta.

Safarkiisa ayaa ytimid hal maalin kadib, markii ay Maamulka Somaliland sheegeen inay Hal million oo qwof saxiixeen Codsi Caalamka looga dalbanayo Istiraafka Somaliland, iyadoo aysan jirin Dolwad aqoonsatay Maamulkaasi oo 25 sanno ka hor ku dfhawaaqay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia

somaliland

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media