Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya iyo Khasaaro ka dhashay

Wararka aan ka heleyno Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay qarax lagula eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada lagula eegtay gudaha Degmada Baardheere xili ay socdaal ku marayeen halkaasi ,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira  dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in jugta qarax si weyn looga maqlay gudaha Degmada Baardheere,iyadoona warar kala duwan ay ka soo baxayan qaraxa.

Ugu yaraan 10 Askari oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa ku geeriyooday qaraxaasi,halka tiro kale ay ku dhaawacmeen,kadib markii saakay gaari ay la socdeen uu haleelay qarax miino ah oo wadadda lagu Aasay.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaan qaraxii ka dhacay halkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media