Putin oo socdaal ku tagay Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa safar naadir ah shalay ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga.

Mawduucyada la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah dagaallada Gaza iyo Ukraine, iyo sidoo kale soo saarista saliidda, oo uu kala hadlay madaxweynaha Imaaraadka Carabta.

Imaaraadku wuxuu hadda martigelinayaa shirka cimilada ee COP28 ee Qaramada Midoobay.

Mr Putin, oo marar dhif ah galay safarro uu kaga baxaya Ruushka tan iyo bishii Maarso markii maxkamadda caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ay soo saartay amar lagu soo xirayo, ayaa sidoo kale Khamiista waxa uu hogaamiyaha Iran kula kulmi doona magaalada Moscow.

Maxkamada ICC ayaa ku eedeysay inuu si sharci darro ah u tarxiilay caruur u dhashay dalka Ukraine oo uu u dhoofiyay dalka Ruushka -taas oo ah dambi dagaal balse imaaraadka iyo Sacuudiga midna ma aqoonsana maxkamada.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaanan ka qeyb gelin shirar caalami ah oo ay ku jiraan shirkii Brics ee Koonfur Afrika oo bishii Agoosto dhacay iyo shirkii G20 ee Sebtembar ka dhacay Hindiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor