Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo bandhigtay dagaalayaal ajaanib ah oo sida la sheegay ka tirsan Daacish.
Xubnaha lasoo badhigay oo tiradoodu gaarayso 7 ruux ayaa waxaa ay u dhasheen dalka Itoobiya, gaar haan Qowmiyadda Oromada ee dalkaasi, waxaana la sheegay in muddo ah ay ka mid ahaayeen Daacish.
Ciidamadda PSF ee maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shaqsiyaadkaasi, waxaana sida la sheegay lasoo qabtay xili ay ku wajahnaayeen Buuraleyda Gal-gala ee Gobolka Bari.
Soo qabashada dagaalamayaashaasi ayaa waxaa lagu soo qabtay howgallo culus oo ay fuliyeen Ciidanka ammaanka dsowlad Goboleedka maamulkaasi Puntland.
7-daan ruux ee la qabtay ayaa ka dhigan tiradii ugu badneyd ee lasoo qabto, waxaaan horay Ciidanaka  maaamukaasi ay soo gacanta ugu soo dhigeen dagaalayaal kale oo ka kala tirsan Al-Shabaab iyo daacish.