Dad ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay duleedka Madheera

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay duleedka Mandheera, waxaana la helayaa warar kala duwan oo ku aaddan shil-kaasi.

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in dad doonayay in ay ka qayb galaan doorashada dalkaasi ka socota ay shil galeen, kadim markii uu rogmaday gaari ay la socdeen.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in khasaare badan uu ka dhashay Shilkaasi, waxaana ku nafwaayay inta a xaqiijiyay seddex ruux oo ka mid ahaa rakaabka gaariga la socday, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Goobta uu shilku ka dhacay oo ah duleedka Madheera ayaa lagu soo warramayaa in ay gaareen Booliska iyo kooxa gurmadka, waxaana goobta laga soo qaaday dadkii dhaawacmay.

Shilka ayaa yimid kadib markii wadaha gaariga uu xakameyn waayay Gaariga, sidaas darteedna uu gaarigu u rogmaday.

Dalka Kenya ayaa haatan galaya doorasho, waxaana dadku intooda badan ay u diyaar garoobeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen codeynta doorashada madaxweynaha oo ay u taagan yihiin musharixiin saameyn ku leh gudaha dalkaasi Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor