Maamulka Puntland ayaa Xabsiga ka siidayay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil oo ah Ganacsade kasoo jeeda Galmudug, kadib markii maalmo kahor Maxkamadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ay xukun Dil ah ku riday,iyada oo lagu eedeeyay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.
Waxaa la sheegay in Dadaalo iyo Wadalo Dhexmaray Madaxda Galmudug iyo Puntland Gaar ahaan Guddoomiyeyaasha Magalada Gaalkacyo ee Maxamuud Yaasiin Tumey iyo Xersi Yuusuf Barre lagu siidaayay.
Cabdirisaaq Tahliil ayaa waxaa xili habeen lagala baxay Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Gaalkacyo,iyadoona waxyar kadib Qabashadii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) uu kasoo muuqday Maxkamad ku taalla Puntland,waxana Puntland ay ku xukuntay dil toogasho.
Maalmo kahor ayey aheyd markii Dibadbaxyo Rabshado Wata oo ay dhigeen boqolaal shacab ah oo careysnaa,kaasi oo ka dhacay Koonfur Magaalada Galakacyo,isla markaana ay uga soo horjeedeen xukunka dilka ah ee Maxkamadda Puntland ay ku xukuntay Cabdirisaaq Tahliil.
Cabdirisaaq Tahliil ayaa markii laga soo daayay Maxkamadda Puntland Maanta laga soo dajiyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.