Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay waqtiga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasalada 12aad ee Dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe ee Puntland.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Imtixaanka fasalka 8-aad iyo 12-aad loo fadhiisan doono 27-ka bisha Juun ee sannadkan.
Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxaa maamulayaasha iyo macalimiinta lagu wargeliyay inay sii wadaan habkii Online-ka ahaa ee lagu bixinayay manhajdka sanad dugsiyeedka 2019-2020.
Waqtiga ay Puntland shaacisay inay qaadeyso Imtixaanka shahaadiga ayaa waxaa ay ku beegan tahay maalinta ay Somalilandna u astaysay in ay qaaddo imtixaanka shahaadiga ah ee deegaannadeeda ee 27-ka bisha Juun ee 2020.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Maamulka Puntland.