Labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano dhaca Buuraha Galgala oo Gobolka Bari ka dhacayay qaraxyo lala eegto Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland xili ay Wadooyinka deegaankaas ku socdaalayaan.
Shalay Gelinkii dambe ayaa qarax waxaa lagu dilay taliyaha ciidamada BIS-ta Puntland kadib markii lala eegtay Gaari uu saarnaa taasi oo keentay in Puntland ay halkaasi ciidamo geyso.
Wararka hadda aan ka heleyno Gobolka Bari gaar ahaan Buuraleyda Galgala ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo farabadan oo wata Gaadiidka dagaalka lagu arkay deegaanada dhaca Buuraha Galgala.
Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa waxa ay horay u sheegeen in ay deegaanadaas ka sifeyn doonaan Al-Shabaab iyo Daacish-ta Soomaaliya oo mararka qaar weeraro ku soo qaada.