Maamulka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay dhibaatooyinka heesta Maxaabiista ku xiran Xbsiga degmadaas kuwaas oo qaarkood ah kuwo aan weli la Maxkamadeyn.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada degmada Jalalaqsi Xuseen Sheekh Qaasim ayaa sheegay in maxaabiistaas qorshuhu ahaa in loo gudbiyo Baladweyne si loo maxkamadeeyo basle ay waayeen Wadooyinkii ay marsiin lahaa.
Waxa uu shegay in ay jiraan qaarkood kuwo xiran mudo 9 Bilood ah,isaga oo ka codsaday madaxda Maamulka Hir-Shabeelle in ay furan ama Go’doonka ka qaadaan Wadooyinka ka baxa iyo kuwa soo gala degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in tani ay dhibaato ku tahay maxaabiista oo ah kuwo xaqooda lagu tumanayo,isla markaana Maamulka Hir-Shabeelle laga doonayo in uu xal keeno.
Hoos Ka Dhageyso Gudoomiye ku xigeenka degmada Jalalaqsi.