Puntland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay khilaafka Doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dimuqraadiyeynta dowlad Goboleedka Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay  Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland (UNSOM)  Mr. Guy Griffin.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Puntland, qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee 25 May 2023, xoojinta wada shaqaynta Hay’adaha caalamiga ah iyo Hay’adaha kala duwan ee Puntland.

Madaxa Xafiiska UNSOM ee Puntland ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee Puntland ka qabatay barnaamijka geeddi-socodka Dimuqraadiyadda Puntland oo meel wanaagsan maraya.

Ugu dambayntii Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay Puntland qabsoomida doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo horumarinta hanaanka dimuqraadiyada, sidoo kale, waxa uu uga mahadceliyey Xafiiska UNSOM  xoojinta wada shaqaynta wanaagsan ee ay la la yeeihiin Dowladda Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply