Maxay ka wada hadleen Ergey C/kariin Guuleed iyo Madaxweyne Axmed Madoobe?

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikarim Xussein Guuleed ayaa kulan Muhiim ah oo horudhac u ah qorshaha Talo Wadaagga Madaxda iyo Bulshada Dowladd Goboleedyada la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Kulanka ayaa si qoto dheer ay labada dhinac isaga xog-wareysteen Socdaal uu dhawaan Ergeyga ku tagi doono deegaanada Jubbaland si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada mas’uulliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay dedaalka Xafiiska Ergeyga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Cabdikarim Xussein Guuleed ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshaha Xafiiskiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply