War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia ayey ku sheegtay inay shalay u yeereen Danjiraha Kenya u jooga Somalia, Ambassador Lucas Tumbo, isla markaana ay gacanta ka saareen Qoraal Ashtako oo looga soo horjeedo Farriin uu Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, Macharia Kamau soo dhigay Twitter-kiisa bishii la soo dhaafay ee June 27-dii.
War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay inuu Qoraalkaas Twitterka xadgudub ku yahay Madax-bannaanida, Midnimadda iyo Xuduud-dhuleed ee Somalia, isla markaana uu dhaawac xooggan u geysan karo Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Dowladaha Somalia iyo Kenya.
War-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somalia waxa ugu dambeyntii lagu xusay inay Somalia u taagan tahay deris-wanaag, Ixtiraamka labada dhinac iyo Iskaashi dhow oo lala yeesho dalalka deriska, kana rajeynayaan Kenya sidaas oo kale.