Jaalliyadda Soomaalida iyo dadka Muslimiinta ee ku nool caasimadda dalkaasi ee Pretoria ayaa ka wada qeyb galay Aaska Xasan Macallim Axmed iyo Deeqa Xasan Yuusuf, kuwaasi oo lagu aasay Qabuuraha Muslimiinta ee Laudium Cemetery.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in labadaasi Marxuum lagu aasay Labo Qabuuro oo isku dhinac yaalla.
Toogashada Labadaasi qof ee Soomaaliga ayaa noqotay arrin laga argagaxo, waxaana weli la ogeyn sababta Ninkaasi ku kalliftay inuu Xaaskiisii hore dilo, kadibna isaga is-toogto.
Bishan 1-dii ayey ahayd, markii uu Xasan Macallim Axmed oo 28-jir ah uu toogtay Xaaskiisii hore oo la oran jirey Deeqo Xasan Yuusuf oo 22-jir ah.
Wararka ayaa sheegayo inuu 6-jeer ka toogtay Madaxa, ka hor inta uusan isku dilin qorigii uu watay.
Toogashadan ayaa ka dhacday guriga ay Haweeneydaasi iyo gabdhooda yar oo 2 jir ka deganaayeen Galbeedka magaalladda Pretoria.
Dhinaca kale, Haweeney wax ka deganayd guriga ay Toogashadda ka dhacday ayaa ka badbaaday Toogashadaasi, waxayna sheegtay inuu Ninka qoriga ku soo qariyey Bac weyn oo uu watay, oo ay u qaadatay inuu gabadhiisa u wado Haddiyad.
Ninka toogashadda geystay ee Xasan Macallim Axmed iyo Deeqa Xasan Yuusuf waxay is-qabeen muddo 3-sanno, inkastoo ay kala tageen 9-bilood ka hor, wuxuuna Falkaasi u muuqdaa mid ku salaysan Isku-buuq iyo Hinaaso soo jiitamay.
©Radio Dalsan