Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbadiisa Sannadlaha oo laga baahiyey Idaacadda Qaranka Burundi, wuxuuna tilmaamay inuu Ciiddankiisa kala soo bixi doono Somalia, haddii aan ilaa bishan Janaayo dhamaadkeeda la siinin Mushaarka iyo Gunnadda ka maqan muddada 12-ka bilood.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey haddii aan si dhaqso ah loo bixinin Mushaarkooda inuu muddo bil gudaheeda Ciiddankiisa kaga soo daad-gureyn doono Somalia.
“Haddii Ciiddanka ee jooga Somalia la siin waayo mushaarkooda ilaa bishan January, waxay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laaban doonaan dalkooda hooyo” ayuu yiri Madaxweyne Pierre Nkurunziza.
Waxa uu ugu baaqay Midowga Afrika (AU) iyo Midowga Europe (EU) inay sida ugu dhaqsaha badan u helaan Xal iyo inay bixiyaan waxa uu ugu yeeray “Xuquuqda sharciga ee Ciiddanka Burundi”.
Dhinaca kale, In ka badan 5-kun oo Askar Burundian ayaa ku sugan Somalia, kuwaasi oo aan helin wax mushaar helin muddo 12-bilood, iyadoo ay Dowladaha Midowga Europe bixiyaan Kharajka Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.
EU-da waxay bishii March ee sannadkii hore, gebi ahaan joojiyeen Kaalmadii Tooska ee ay siin jireen Dowladda Burunddi iyo Ciiddankooda Nabad-ilaalinta ee ku sugan Somalia.
©Radio Dalsan