Baarlamaanka Soomaaliya aya manta warbixinti ugu horeysay ka dhageystay gudiga qabanqaabada doorashada gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ,gudigaan ayaa loo saaray in ay ka shaqeeyaan hoowlaha gudoomiyaasha Barlamaanka.
Gudoomiyaha gudiga C/raxmaan Ducaale Beyle aya sheegay in qabashada Arajida Xildhibaanada u tartamaya Gudoomiyaha iyo ku xigeenka ay bilaabatay shalay oo ay tariikhdu ku beegneed 3-da bisha sidoo kalana ay ku egtay Araaji qabashadu Murashixiinta Gelinka dambe ee beri oo taariikhdu ku adantahay 5- bisha.