Nin ku hubeysnaa Tooreey dheer ayaa la sheegay inuu 3 qof ku dilay, 5 kalena ku dhjaawacay weerar xalay ka dhacay magaalladda Wuezbarg ee Koonfurta dalka Jarmalka.
Boliska waxay sheegeen in Eedeysanaha oo u dhashay Somalia ay gacanta ku dhigeen, kadib, markii ay Boodada ka dhaawaceen.
Afhayeenada Boliska, Kerstin Kunick waxay sheegtay inuu weerarkaasi ka dhacay Fagaaraha loo yaqaano Basbarossa ee Bartamaha magaalladda Wuezbarg oo u dhexeysa magaallooyinka Faranfkurt iyo Munikh.
Afhayeenada faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixinin Eedeysanaha la qabtay iyo haddii ay dad kale ku wehliyeen weerarkaasi.
Dhacdo kale, Nin 21 jir ah oo u dhashay dalkaasi ayaa lagu qabtay meel ku dhow Xuduudka Faransiiska, xilli uu doonayey inuu iibsado Qori uu weerar ku geysan lahaa, sida ay Boliska dalkaasi sheegeen.