• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, June 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Farmaajo “Waxaan walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqayaa Midnimo iyo Wadajir”

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 26, 2021
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 3 mins read
A A
5
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska 26-ka Juun ayaa ugu hambalyeeyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed Sannad Guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Maalintii Xorriyadda Gobollada Waqooyi.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda 26-ka Juun oo ah maalin ku astaysan mirihii ka dhashay halgankii gobannimo doonka iyo maalintii koowaad oo calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah ayaa soo bandhigay taariikhda halgankii xornimadoonka dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi ku boggaadiyay doorkoodii gobannimo u dirirka iyo isu-doonta ummadda Soomaaliyeed.

“Halgankii gumaysi diidka iyo Soomaali isu doonku waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen Gobollada Waqooyi. Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay horseed u ahaayeen madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta iyo doorkii SNL ay ku lahayd xoreynta Gobollada Waqooyi oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay xejistaan gobannimadooda, wadajirkooda iyo sooyaalkooda, isaga oo walaalaha Gobollada Waqooyi ugu baaqay in ay hormuud u noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

“Gobannimadu waa xujo hortaalla cidda hesha, oo uga baahan xejisasho iyo ka miro-dhalin. Waa inaan dhowrannaa, waa inaan wadajir iyo midnimo ku wada waardiyeysannaa. Awooweyaasheen waxa ay u dhinteen inaan xornimo helno, innana waa in aan u guntanno ilaalinteeda, innaga oo jiilasha danbe u diyaarinayna mustaqbal iyo nolol wanaagsan.”

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo salaan sharaf ay siinayaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, baambayduna ay ku maamuusayso heesta Calanka ayaa calan-saaray Madaxtooyada Qaranka, halkaas oo ay munaasabaddu ku qabsoontay.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qayb galay, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Muudeey, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Previous Post

Nin Soomaali ah oo Weerar khasaaro dhaliyey ka geystay Jarmalka 

Next Post

Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 26/06/2021

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
Caalamka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

June 22, 2025
Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
Warar

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

June 22, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Mareykanka oo si toos ah ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran

June 22, 2025
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
Warar

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

June 21, 2025
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
Warar

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

June 21, 2025
Next Post

Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 26/06/2021

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

by Ilhaan
June 22, 2025
0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo uu kulan siyaasadeed...

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

by Ilhaan
June 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Salaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed muhiim ah...

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

by Ilhaan
June 22, 2025
0

Diyaarado dagaal oo aan weli la shaacin dalalka ay ka socdaan ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay saldhigyo ay kooxda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

Mareykanka oo si toos ah ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran

by Ilhaan
June 22, 2025
0

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu biirtay dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii diyaaradaha...

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
Caalamka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
Warar

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Mareykanka oo si toos ah ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Government Airstrikes Destroy Al-Shabaab Car Bombs in Aadan Yabaal
English News

Somali Government Airstrikes Destroy Al-Shabaab Car Bombs in Aadan Yabaal

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ahmed Madobe Lands in Garowe to Revive Political Alliance with Puntland Amid Federal Tensions
English News

Ahmed Madobe Lands in Garowe to Revive Political Alliance with Puntland Amid Federal Tensions

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
  • Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
  • Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
  • Mareykanka oo si toos ah ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00