Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Cabdalla Ali Xamad ayaa la doonayey in la soo masaafuriyo, kadib, markii uu dhowr jeer soo dhamaystay Xabsi uu ku muteysatay Weeraro Kufsi ah oo uu kula kacay haween badan.
Wargeyska The Express ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in Eedeysanayaasi oo 52 jir ah ku guuleystay Rafcaan uu ka qaatay amarka lagu masaafurin lahaa.
Ninkaasi ayaa waxaa sannadkii 2008-dii lagu xukumay Xabsi 9 sanno ah, kadib, markii lagu helay inuu ku tacadiyey haween uu weeraray.
Haatan waxaa la laalay Qorshihii lagu soo masaafurin lahaa Ninkaasi oo loo arkay inuu Khatar ku yahay Bulshadda, waxaana uu ku guuleystay Dagaal dhinaca Sharciga, iyadoo loo cuskaday qoddobadda 2-aad iyo 3-aad ee Heshiiska Europe ee Xuquuqda Aadanaha.
Cabdalla Ali Xamad ayaa la sheegay in loo oggolaaday inuu ku sii noolaan karo gudaha dalka Britain sababo dhinaca Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna sheegay inay Noloshiisa khatar ku jirto haddii lagu celiyo Somalia, gaar ahaan magaalladda Muqdisho.
Wuxuuna uu ku dooday inuu ka soo jeedo Beelaha looga tiro badan yahay Somalia, waa sida uu ku andacooday Cabdalla Ali Xamad.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Gobalka Scotland ee dalka Britain ku soo galay Baasaboor la been abuuray bishii Feberaayo ee sannadkii 2002-dii.
©Radio Dalsan