Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Peter Cook ayaa sheegay in duqeyn Diyaaradeed lala beegsaday Labadaas Hoggaamiye oo lagu kala magacaabi jirey Faaruuq Al-qataani iyo Bilaal Al-cutayba.
Waxa uu intaasi ku daray inay Labadaasi Hoggaamiye ku hawlanayeen Weeraro ka dhan ah Isbahaysiga Maraykanka iyo inay Dagaalamayaasha Al-qaacida goobo Ammaan ah ka samaystaan gudaha dalka Afganistan.
Hoggaamiyayaashaasi ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn lagu qaaday dhulka Hawdka ee Gobalka Kunaar ee W/bari Afganistan.
©Radio Dalsan