Nin hubeysan oo dad Shacab ah ku laayay dalka Denmark

Nin hubeysan ayaa saddex qof ku dilay mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ee ugu weyn dalka Denmark, halka kuwa kalena uu dhaawacay, kuwaasoo saddex ka mid ah ay aad u liitaan.

Nin 22 jir ah ayaa la xiray oo lagu eedeeyay weerarka kaas oo argagax ku abuuray dadkii wax ka iibsanayay suuqa Field ee koonfurta magaalada Copenhagen.

Taliyaha bilayska Soeren Thomassen ayaa sheegay in ujeedka weerarka aanu caddayn, isla markaana aanu meesha ka saari karin in ficilkaani uu yahay “fal argagixiso”.

Raiisel wasaare Mette Frederiksen ayaa sheegtay in Danmark ay la kulantay weerar naxariis darro ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor