Ilo dhinaca Ammaanka iyo xubno ka tirsan Shaqaalaha Idaacadda la xiray ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AFP in la xiray Idaacad madax-bannaan oo lagu magacaabo Teranga FM.
4 ka tirsan Ciiddanka Nabadsugidda ee dalka Gambia ayaa albaabadda u laabay Idaacadda, waxayna sheegeen inuu amrkaasi bixiyey Agaasimaha Sirdoonka Qaranka ee dalkaasi, Yankuba Badji.
Agaasimaha Idaacadda la xiray oo lagu magacaabo Alagye Keesay waxaa xiray Boliska bishii July ee sannadkii 2015-kii, isagoo lagu soo oogay inay baahiyeen Warar been abuur ahaa iyo inay daabaceen sawiro lagu bah-dilay Madaxweynaha dalkaasi, Yaxye Jaamac oo looga guuleystay dorashadii dhacday bishii December ee sannadkii hore.
©Radio Dalsan