Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa fiidnimadii xalay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle waxaa ay ku dileen Nabaddoon caan ka ahaa gudaha Magaaladaas iyo Gobolka.
Nabaddoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Maxamuud (Cali Dheere) oo kamid ahaa Waxgaradka caanka ka ah Magaaladaasi, waxaana toogasho ku dilay rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolad, xili uu ku sugnaa xaafada Xaawo Taako.
Falka kadib ayaa waxaa goobta isaga baxsaday dadkii ka dambeeyay dilka khaarijinta ee loo geystay Marxuuum Cali Maxamed Maxamuud, isla markaana waxaa sida caadada aheyd goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Baladweyne.
Howlgal ayaa la sheegay inay ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Magaaladaas, balse kuma guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii hubeysnaa ee toogtay Cali Dheere oo sidoo kale ahaa Ganacsade.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa marar badan lagu dilay Odayaal iyo dad kale oo bulshada indho u ahaa, waxaana inta badan baxsaday kooxahii hubeysnaa ee dilalkaasi qorsheysan ka geystay Magaalada.