• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 7, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Muxuu Madaxweyne Axmed Madoobe u magacaabi la’yahay Golihiisa Wasiirada?

Bilan Media by Bilan Media
August 23, 2020
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Sanad ayaa laga joogaa markii Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu ku soo baxay doorasho madaxtinnimo oo ka dhacday Kismaayo, taasoo habka loo maray iyo natiijadeedaba ay muran badan dhaliyeen.

Waxaa isla markiiba qaadacay doorashadaasi dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin la baxay isbedel doonka Jubbaland.

Doorashadaasi muranka dhalisay ayaa aad u wiiqday xiriirka ka dhexeeyay Kismaayo iyo Muqdisho, waxaana ay horseeday in wasiirka amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ay dowladda Federaalka ku xirto caasimadda iyadoo u haysata tacaddiyo ka dhan ah aadanaha, inkastoo uu markii dambe ka soo baxsaday halkii lagu hayay.

Dowladda Federaalka ayaa ciidamo badan geysay degmooyinka gobolka Gedo, waxaana marka laga reebo degmada Ceel waaq ay inta kale kala wareegtay maamulladii taabacsanaa Jubbaland-ta uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Sida uu qabo dastuurka maamulka Jubbaland, madaxweynuhu waa inuu golahiisa wasiirrada ku magacaabo muddo 90 maalmood gudahood ah, waxaa se loo oggol yahay inuu baarlamaanka ka codsado muddo kordhin ku aaddan xilliga uu soo dhisayo golahaasi.

Maamulka Jubbaland ayaan si rasmi ah u sharrixin sababta keentay dib u dhaca, waxaana noo suuragelin waayay xiriiro telefoonka ah oo aan la sameynay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan maamulka hadda jira, si aan wax uga weydiino arintan.

Adan Aw Xirsi oo laba jeer soo galay golaha wasiirrada Jubbaland, marna ahaa gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa BBC Somali u sheegay u sheegay in sababo kale duwan oo isku dhexjira ay dhici karto inay dib u dhigeen soo magacaabidda golaha wasiirrada maamulkaasi.

Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo ka faallooda arimaha, siyaasadda, ammaanka iyo Islaamiyiinta ee Soomaaliya ayaa isna qaba in khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo Federaalka uu yahay caqabada ugu weyn ee hortaagan magacaabista golaha wasiirrada cusub.

Dagaal xooggan oo ciidamada Federaalka iyo kuwo Jubbaland ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan ku dhexmaray magaalada Beled Xaawo horraantii sanadkan ayaa dhaliyay barakac iyo khasaaro hantiyeed.

Ciidamada Janan ayaa weli ku sugan meel aan sidaa uga fogeyn Beled Xaawo, mana jirto wax xabbad joojin ah oo laga gaaray colaaddaasi.

 

BBC Somalia

Previous Post

Waqtiga uu furmayo Kal-fadhiga 2-aad Barlamaanka Galmudug oo la shaaciyay

Next Post

Xildhibaan Cosoble “Madaxweyne Farmaajo balantii ayuu uga baxay G/Banaadir”

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Warar

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

July 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Next Post

Xildhibaan Cosoble “Madaxweyne Farmaajo balantii ayuu uga baxay G/Banaadir”

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

MOGADISHU – In a bold move to confront the growing risks posed by the misuse of social media in Somalia, the...

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

CAIRO – President Hassan Sheikh Mohamud of the Federal Republic of Somalia is set to depart for Cairo, Egypt's capital, where...

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

by Gesey Liban
July 5, 2025
0

Baydhabo, Somalia – In a strategic move aimed at transforming the quality of education in Southwest State, President Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo...

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
English News

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
English News

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
  • HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
  • President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
  • Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00