Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo xalay ka hadlayay meel fagaaro ah ayaa ka hadlay arrimaha doorashada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in isaga uu ka mid ahaa dadkii qabay in doorashada ay kusoo dhammaan karto maanta oo taariikhdu tahay 20-ka bisha diseembar, 2021-ka.
Balse waxa uu sheegay in doorashada tahay mid caqabado badan “Doorashadani waa mid dadban, tii dadbanayd ee la yaqiinayna ma ahani, waa mid sii dadban” ayuu yiri Lafta Gareen oo ay hadalkiisa dhagaysanayeen Ra’isulwasaare Rooble iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada oo kasoo qeybgalay xafladda sanad guurada 3-aad ee kasoo wareegtay markii isaga xilka loo doortay.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ku adkaysanaya in doorashada labada gole ay u qabteen si waafaqsan habraacyadii doorashada oo ay ku jirto caddaalad, isaga oo gaashaanka u duruuray cabashooyinka qaar ka mid ah bulshada ay qabtay, wuxuuna ku dooday in kursi kasta uu kusoo baxay qof ka mid ah beeshii lahayd kursiga “Idinka haddii aad dad kale u rabteen dadkaasi nooma aysan imaanin” ayuu yiri Lafta Gareen.