Abdirahman Warsame oo ku labisan Dharka Maxaabiista ayaa waxa uu muddo 6 sanno ah dhex yururaa Xarun dadka lagu hayo oo ku taalla DegmaddaLindsay ee Gobalka Ontaria ee dalka Kanada.
Abdirahman Warsame marnaba laguma soo oogin wax dembiyo ah ama Xabsi Shaqo, balse waxa uu go’aansaday inuu noloshiisa ku dhex qaato Xabsiga, wuxuuna diidan yahay in dib loogu celiyo dalkiisa hooyo ee Somalia.
Hay’adda Adeegga Xuduudaha ee dalka Canada (The Canada Border Services Agency (CBSA) ayaa dhowr jeer isku hawshay inay Ninkaasi u soo dhoofiyaan Somalia, balse waxa uu diiday inuu saxiixo qoraalka muujinaya inuu Rabitaankiisa ugu laabanayo Somalia.
Garyaqaanka Abddirahman Warsame oo lagu magacaabo Subodh Baharati ayaa sheegay Dukumentiyadda uu diiday inuu saxiixo Ninkaasi darteeda loo xiray si loogu ciqaabo go’aanka uu ku diiday in loo dhoofiyo Somalia.
Dowladda Canada waxay si KMG u mamnuucday in dad loo masaafuriyo Somalia, ilaa Muwaadiniinta Soomaalida gala Falala-dembiyeedyadda ee aan loo oggolayn inay sii joogaan Canada.
Dhinaca kale, Hay’adda Adeegga Xuduudaha ee dalka Canada (The Canada Border Services Agency (CBSA) waxay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay sheegeen in ay 6 qof oo Somali ah sannadkan u masaafuriyeen Somalia, isla markaaana ay qorsheynayaan inay bisha soo socoto 4 kale u tarxiilaan Somalia.
Hay’addu waxay sheegtay inay Shirkadda Diyaaradaha African Airways tahay Diyaaradda keliya ee oggol inay soo qaadaan Soomaalida laga soo masaafurinayo Canada, waxayna doonayaan oo keliya in saxiix laga helo dadka loo soo tarxiilayo Somalia.
Xigasho: National Post
© Radio Dalsan Â