Labo Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Canada iyo xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaalida ku nool caasimadda dalkaasi ee Ottawa ayaa soo cusbooneysiiyey Ololahooda ku aadan sidii Dowladda Ethiopia loogu cadaadin lahaa in la sii daayo Bashiir Makhtal Daahir oo horey loogu xukumay Xabsi Daa’im.
Qoyska Bashiir Makhtal Daahir waxay walaac xooggan ka muujiyeen xaalladiisa caafimaad, waxayna mar kale ugu baaqeen Dowladda Canada inay qaadaan Tallaabooyin Bashiir Makhtal Daahir dib loogu soo celinayo dalka Canada.
Bashir Makhtal, oo degganaa kana shaqeysan jirey magaalladda Toronto waxa sannadkii 2006-dii lagu qabtay xuduudka Somalia iyo Kenya, kadibna Madaxda Kenya waxay u gudbiyeen Dowladda Ethiopia.
Sannadkii 2009-kii, waxaa la soo taagay Maxkamad ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, iyadoo lagu soo oogay falal la xiriiray Argagixiso, balse waa uu beeniyey Eedeymahaasi.
Maxkamaddu waxay ku xukuntay Xabsi Daa’im, balse, Dowladda Canada ayaa galangal ugu jirta sidii loo sii dayn lahaa Eedeysanahaasi oo uu Aabihiisu ahaa Asaasihii Jabhadda Hubeysan ee Xorreynta Ogaadeeniya “ The Ogaden National Liberation Front (ONLF) ee u dagaalama Madax-bannaanida dhulka Soomalida ee Ethiopia.
© Radio Dalsan  Â