Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray in Maxbuus Somali ah lagu tooreeyey Xabsiga Pentonville oo ku yaalla Waqooyiga magaalladda London.
Marxuumka la dilay ayaa la oran jirey Jamal Maxamuud, kaasi oo Talaadadii la soo dhaafay ay Tooreey la dhaceen qaar ka mid ah Maxaabiistii la xirnayd.
Waxaa kaloo weerarkaasi si xun loogu dhaawacay labo Maxbuus, kuwaasi oo lagu daaweynayo Isbitaal ku yaalla Bariga London.
Saraakiisha Xabsiga waxay sheegeen inay falkaasi geysteen 2 Maxbuus, kuwaasi oo lagu soo oogi doono dilkaasi iyo dhaawaca.
Ciiddanku waxay sheegeen inay Eedeysanayaasha Tooreyda lagu dilay Jamaal Maxamuud ka tureen Derbiga Xsbiga oo dhererkiisu yahay 9 mitir.
Marxuumka waxaa bishii July ee sannadkan lagu xukumay Xabsi dhan 6 sanno iyo 6 bilood, kadib, markii ay isaga iyo nin kale ay Qori cabaysan oo noociisu ahaa kuwa Darandooriga u dhaca iyo rasaas kale ku qariyeen meel Beer ah oo ku taalla Xaafdda Enfield ee Waqooyiga London.
Marxuumka, waxa uu horey u soo dhamaystay xabsi 5 sanno iyo 6 bilood, kadib, markii lagu soo oogay fal Tuuganimo.
Dhinaca kale, Hooyadda dhashay Marxumkaasi, Xaawo Maxamed iyo gabadheeda, Susaan Maxamed waxay u sheegeen Telefishinka ITV inay Ilaaladda Xabsiga dayaceen amamanka Marxuumka, taasi oo soo dedejisay in la dilo.
©Radio Dalsan