Ugu yaraan 3 qof ayaa ku geeriyootay dhul-gariirkaasi oo saakayto ka dhacay Gobalka  OSAKA ee Galbeedka dalkaasi.
Dadka geriyooday ayaa la sheegay inay kala ahaayeen gabar 9 jir iyo labo Oday oo da’da 80-aadka ku jiray, iyadoo 200 oo kalena ku dhawaacmeen.
Hay’adda Ka-hortagga Masiibooyinka ee dalkaasi weaxay sheegtay in qiyaasta dhul-gariirkaasi ahaa 6.1 Halbeegga REKTARKA.
Waxaa la sheegay inay guryo badan burbureen, kuwo kalena uu dab qabsaday, waxaana la joojiyey gebbi ahaan Tareenadda, si loo hubiyo khasaaraha soo gaaray Khadka Xadiidka ee Tareenadda isticmaalaan.
HALKA KA DAAWO MUQAALKA DHUL-GARIIRKAASI:
https://youtu.be/Z71tEALlK2M
This is what happens to the trains when a #earthquake hits #Japan #osaka #kyoto #kansai pic.twitter.com/FLWvmJdspE
— Chyado先生 – Japan Guy (@chyadosensei) June 17, 2018