Dhageyso:-Guddoomiye Yariisow”Diblumaasiyiinta ku sugan Somalia waa kuwo aan soo dhaafin xerada Xalane”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxman Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa marka hore amaanay dowladda turkiga oo uu sheegay in waajibkii looga baahnaa ay ka guteen Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay jiraan dowlado kale oo ka maseeray Turkiga kuwaas oo yimid Soomaaliya balse weli ku xareysan Xerada Xalane oo aan soo dhaafin.

“Waxaa jira diblumaasiyiin ka maseersan turkiga oo yimid Somaliya aaminsana in dalka uu yahay nabad balse weli waxa ay soo  dhaafi la’yihiin xerada Xalane ee Magalada Muqdisho ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Sikastaba hadalka guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa imaanaya xilli Xerada Xalane ee Magalada Muqdisho ay ku sugan yihiin diblumaasiyiin farabadan,kuwaas oo xaalada amni halkaasi u degay,isla markaana Shaqooyinka ay Soomaaliya u yimaadeen halkaas ku qabsada.

Hoos ka Dhageyso Codka Duqa Muqdisho Eng,Yariisow.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media