Wasiir-dowlaha Warbaahinta ee dalka Sudan, Kamaal Ismaaciil ayaa sheegay inay muddo maalmo gudaheeda ku xiri doonaan Xuduudka ay la wadaagaan dalka Koonfurta Sudan
Dowladda Koonfurta Sudan horey uga wada hadleen inay dalkooda ka masaafuriyaan Kooxaha hubeysan ee ka dagaalanta qeybo ka mid ah dalka Sudan.
Wasiirka ayaa sheegay inuu bishii hore booqday dalka Koonfurta Sudan, iyadoo ay Maamulayaasha dalkaasi ballan-qaadeen inay muddo 21 maalmood gudaheeda ka masaafurin doono Maleeshiyooyinka ka dagaalanta gudaha dalka Sudan.
Dowladda Koonfurta Sudan ayaa lagu eedeeyaa inay taageero siiyaan Kooxaha ka dagaalama Goballadda Daarfuur, Blue Nile iyo Gobalka Koonfurta Kordofaan.
Xuduudka ay wadaagaan labadaasi dal waxaa la xiray bishii Janaayo ee sannadkan, kadib, markii uu in muddo ah xirnaa.
©Radio Dalsan