Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland Cabdi Salaan Xasan Xersi ayaa waxaa laga soo saaray amaro Cusub oo ku socda musharixiinta xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Amarka ayaa lagu sheegay in dhamaan musharixiinta imaanaya deegaanada Gobolka Nugaal in laba maalmood kahor kusoo wargeliyaan Maamulka Gobolka imaanshahooda.
Sidoo kale musharxiinta ayaa lagu amray inay Gobolka Nugaal ku qabsan Karin Xaflado iyo shirar uusan ka warqabin ama aan la ogeysiin Maamulka Gobolka iyo Guddiga Amniga.
Hoos Ka Akhriso wareegtada Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.