Muqdisho iyo Gobolada dalka oo Maanta si weyn looga Ciidayo 

 

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah si weyn looga Ciidayaa maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga, kadib markii xalay saqdii dhexe Dowladda Soomaaliya ay shaacisay in Bisha Soonfur laga arkay deegaano ka tirsan dalka.

Inta badan Masaajidda ayaa saaka lagu oogaya Salaadda Ciidda iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale ay ka qeyb qaadanayaan Dukashada Salaadda oo lagu oogayo Masjidka Isbaheyisga iyo masaajidda ku yaala caasimaddda.

Boqolaal dadweyne ah ayaa lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho iyo guud ahaan Magaalooyinka gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ay isugu marxabeynayaan cibaadadii ay soo guteen ee intii lagu guda jiray Bishii barakeysan ee Ramadaan.

Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada dalka ayaa xalay la sheegay in laga arkay bilashada Bisha Shawaal, isla markaana ay Maanta tahay maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga, waxaana xusid mudan in DFS ay dib ugu laabatay Go’aan fiidkii hore ee xalay gaartay, kaasi oo ahaa in la dhameystirayo 30-ka bisha Ramadaan.

Dhammaan dalalka Islaamka oo uu ugu horreeyo Sacuudiga ayaa xalay shaaciyay in Maanta oo Sabti ah la dhameystirayo 30-ka bisha Ramadaan Maalinta Koowaad ee Ciidana ay noqoneyso Maalinta Berri oo Axad ah.

Comments
Loading...