Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa maanta kulan ku yeeshay xildhibaanada Maamulkaas gaar ahaan kuwii xilka ka qaaday Cosoble,kulankaas oo ay ku magacaabeen Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Hir-Shabeelle.
Kulanka ayaa waxa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed,waxaana Xildhibaanada laga codsaday in ay iska soo xulaan Xubnha Guddiga.
Ints kadib Xildhiabanada ayaa iska soo xulay islamarkaana Magacaabay Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo ka kooban 9 Xubnood.
Guddigaan ayaa Shaqadoodu tahay diyaarinta xiliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Shuruudaha laag doonayo qofka Musharaxa ah.
Sawirro