Qeybo ka mid ah Soomaaliya oo Maanta laga sooman yahay

Iyada oo Maanta ay ku beegantahay Maalinta 1-aad ee Ciidul Fitriga ,isla markaana inta badan shacabka Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ay wada ciidayaan ayaa waxaa jira deegaano ka mid ah Soomaaliya oo Maanta laga sooman yahay.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta deegaano dhowr ah oo ka tirsan halkaas aan Maanta laga ciideyn, isla markaana laga soo mahan yahay.

Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa xaqiijiyay in Maanta halkaas iyo Magaalooyinka Gurigceel, Caabudwaaq, Cadaado tuulooyin farabadan oo ka tirsan Gobolka Galgaduud aan laga ciideyn, isla markaana  ay dadka dhameystirayaan 30-Bisha Ramadaan.

Sidoo kale degmooyin ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa iyana laga Iidin, waxaana kamid ah Degmooyinkaas Warsheekh, Cadale iyo deegaano hoostaga degmadaas oo dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen in la sooman yahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa xalay saqdii dhexe shaaciyay in Maanta oo sabti ah ay tahay maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga, kadib markii bilashada Bisha Shawaal ama Soonfur laga arkay deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media