Sideeda Bisha March sanad kastaa haweenka ku nool aduunka yaa udabaal daga maalinta caalamiga ee haweenka oo loo asteeyey sideeda march,haweenka ayaa ku soo bandhigay maalintaan guulaha ay gaareen iyo dhibaayooyinka haysta haweenka, si looga gudbo.
Munaasabado ku aadan maalintaan ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan Muqdisho iyo gobolada waxaana haweenku ay udabaal dagayaan maalinta ugaar ka ee 8-March,iyaga oo iskugu hambalyeynaya qiimaha maalintan oo sanad-kiiba mar ay xusaan haweenka maanta oo kale.
Wasaarada haweenka ee xukuumada ayaa qaban qaabineysa maamuska xaflada ,iyada oo haweenku ay ka qeyb gali doonaan munaasabadasi ,si ay u muujiyaan dareenkooda,
Marwada madaxweynaha Seynab Cabdi Macalin ayaa hambalyo ku aadan maalintaan udirtay haweenka Soomaaliyeed,iyadoo ugu hambalyeysay maalinta caalamiga ah ee Haweenka.
Halkaasn hoose ka dhageyso Codka.