Muqdisho: DHAGEYSO:- Gaadiidka iyo askarta ciidamada xooga ee sharci darrada ku jooga muqdisho oo la sheegay in talaabo laga qaadi doono

Taliyaha ciidamada xooga dalka Sareeyo Gaas General Maxamed Aadan Axmed ayaa sheegay inaan la ogolaan doonin hada kadib dhaqdhaqaaq Gadiidika ciidamada gaar ahaan kuwa millatariga iyo in lagu arko gudaha magaalada Muqdisho.

General Maxamed Aadan Axmed ayaa tilmaamay inay ka warhayaan Gaadiid ay leeyihiin ciidamada milatarigu inay dhax socdaalaan maagaalada Muqdisho,islamarkaana ay ka war haayaan arintaasi,Balse laga hortagi doono.

Waxaa uu tilmaamay, iyaga oo aan ogolaansho ka heysan inay joogaan Muqdisho,lkn laga qaadi doono maanta wixi ka danbeeya tallaabo waafaqsan sharciga si loo xadeeyo arinta ciidamada millatariga oo uu amar ka soo saaray madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo amray inay isaga baxaan Millatarigu gudaha magaalada.

Halkaan hoose ka Dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media