Muqdisho: Ciidamo gadoodsan oo xiray wadooyinka qaar ee Muqdisho

Ciidamo katirsan millatariga Soomaaliya ayaa xiray wadooyin kamid ah magaalada Muqdisho,gaar ahaan inta badan wadooyinka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir,iyadoo iskooska Zoope ilaa xerada tababarka Jaziira la sheegay inay xirteen  ciidamadaas oo ka cabanaya mushaar la’aan.

Qaar kamid saraakiisha ciidamada ayaa Radio Dalsan u sheegay inay cabasha ka yihiin mushaar ka maqan mudo ka badan 11-bil oo eysan qaadan wax mushaar ciidamadaas, oo tiradoodu saraakiishu ku sheegeen ilaa 500 oo askari oo kamid ah ciidamada millatariga Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqa gaadiidka ayaa la sheegay inay hakad galiyeen ciidamadu,islamarkaana eysan ogoleen isticmaalka wadooyinkaas, oo ay u xiranyihiin ciidamadu,manajirto ilaa iyo hada masuul ka hadlay arintaas.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media