Duqa Muqdisho oo fariin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa dhallinyarada caalaamka gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta dhallinyarada aduunka oo sanad kaste maanta oo kale 12-August laga xuso wadamada caalamka.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa oo muuqaal iska soo duubay ayaa waxaa uu ku sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin  laf-dhabarta Bulshada, ayna dalka u keeneen dowladnimada, ayna ku jiraan kaalimo aad aan la hilmaami karin.

Dowladda hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayuu Guddoomiyaha sheegay in dhalinyarada ay fursamo kala duwan ka siisay Arrimaha Siyaasadda, isla markaana ay ka qeyb qaateen difaaca dalka, sugida amniga iyo horumada kale ee ka socda dalka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhalinyarada Gobolka ay u dhiseen Xarumo Waxbarasho oo leh qeybo kala duwan, halkaasna lagu baro waxyaabo muhiim ah, si ay uga qeyb qaatan dib u dhiska Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed kula dardarmaay inay dadaalkooda sii wadaan, ayna Bulshada u horseedan wax kasta oo lagu horumarin karo,  isagoo u mahadceliyay Wasiir Khadiijio Maxamed Diiriye.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media