Barqanimadii Maanta ayaa waxaa Diyaarad ay leedahay shirkadda  Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka Ciidamada  Midowga Afrika ee AMISOM,waxay ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho.
Sababa ugu weyn Diyaaradaan ee keentay in ay dhacdo ayaa lagu sheegay in dhowr mar ay lugaha u bixi waayeen taas oo keentay in markii ay dhulka u dhawaatay ay dhacdo.
Cali Axmed Macalin Agaasimaha Hay’adda Duulista Iyo Saadaasha Hawada oo War-Baahinta la hadlay waxa uu sheegay in diyaaradaas ay ka timid dalka Uganda islamarkaana shilkii ku dhacay ay ka badbadeen dadkii sarnaa.
Isagoo arimo badan ka hadlayay Agaasimaha ayaa waxaa sidoo kale uu shaegay in Caawa ay Garoonka Aadan-Cade ka soo degi doonaan dhowr Diyaaradood taas oo noqon doonta markii ugu horeysay.
Hoos Ka Dhageyso Codka